Siyaasi Cabdishakuur Oo Afka Furtay kana Hadlay Xadhigii iyo Tacdigii Loo Geystay + Fariin Uu U Diray Xukumadda Somaliya

0
16

Muqdisho (Tayosame news)  Siyaasigii dhowaan maxkamadu ku weyday denbigi uu ku eedaysnaa ee ahaa qaran dumiska  xoriyadiisana maanta dib u helay ka hadlay xadhigii loo geystay, una mahanaqay dadkii ka xanuunsaday xadhigiisa, waxa kale oo uu fariin u diray xukumada somaliya.

cabdiraxmaan ayaa wuxuu yidhi ” Waan u mahad celinayaa cid walbo oo i garab istaagtay kana dhiidhisay dhibaatadii la ii geestay, cidii igu been abuuratay beenteeda Maxkamada ayaa laga hor cadeeyay, cadaalada ayaana guuleesatay”

C/raxmaan C/shakuur ayaa fariin u diray madaxda dalka ugu sareysa, waxa uuna u sheegay laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loogu soo celi lahaa qalalaase.

”Waxaan u sheegayaa Madaxda dalka taladeeda heysa waa laga gudbay xiligii qoray caaradiisa iyo awood dalka lagu maamuli lahaa, dalkan xili dhib dib loo celiyo lama joogo, dastuur iyo sharciga ayaa ka shaqeeya ”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta si buuxda xuriyadiisa dib ugu helay kadib markii Maxkamada gobolka Banaadir ku weyday dambiyadii lagu soo eedeeyay ay kamid ahaayeen Qaran duminta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.