Somaliland: Guurtidda Oo Dood Ka Yeeshay Rebshadihii Ka Dhacay Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay

0
103

Hargaysa (HP): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xaaladaha guud ee amniga ee caasimadda Hargaysa iyo dhacdooyinka inta badan ka dhaca iyo kuwo ka dhacay maalmihii u danbeeyay.

Waxaanay xildhibaanadu dooddoodaasi ku soo qaateen arrimaha dhinaca saxmadda inta badan ka dhacda magaaladda Hargaysa, isla markaana si maalinle ah u sababa dhibaatooyin kala duwan.

Sidoo kale waxay ka hadleen mudaharaadyo iyo rebshado khasaare sababay oo ay dhawaan sameeyeen ardayda wax ka barata qaar ka mida dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee  ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaanadii doodda ka dhiibtay fadhigaasi waxay ka hadleen sidii waxyaabaha ka taagan caasimadda ee mushkiladda ku ah bulshadda in wax laga qabto.

Waxaanay intoodda badan sida aadka ah uga hadleen xildhibaanadu rebshado ay sameeyeen qaar ka mida ardayda wax ka barata dugsiyadda sare  ee  gaarka loo leeyahay ee   ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Gaar ahaana dugsiga sare  ee Nuuradiin, oo laba todobaad ka hor mudaharaad ay dhigeen ardayda wax ka barataa ay khasaare hantiyeed ku gaadhsiiyeen qalabkii dugsiga iyo baabuur.

 

DAAWO: DOODII GUURTIDDA EE MAANTA:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.