Somaliland Haayadaha Kala Tashanaysa Wax Ka Qabashadda Dhibaatadda Ayaxa

0
128

Hargaysa (HP): Waxaa weli deegaamadda goboladda Somaliland ka taagan dhibaatadda uu Ayaxu ku hayo dalagyadda beeraha iyo sidoo kale dhul daaqsimeedkaba.

Sanadkii 2019-kii ayuu markii u horaysay Ayaxu ka dilaacay Somaliland inkastoo ilaa maanta ay weli  socoto hawlaha la dagaalanka Ayaxa oo Cir iyo dhul ba leh.

Si dhibaatadda Ayaxa ee mudadda labadda sanadood ah taagan wax looga qabto ayaa wasaaradda beeraha Somaliland waxay maanta kulan arrintaa la xidhiidha la yeelatay haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda beeraha ee Hargaysa ayaa lagaga arrinsanayay sidii wax looga qaban lahaa la dagaalanka Ayaxa, ka hor curashadda xiliga Gu’ga.

Waxaana kulankaasi furay wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Seed, ayaa si gaara ugu mahad celiyay haayadda FOA oo uu sheegay in ay si dhaw ugala shaqayso hawlaha la dagaalanka Ayaxa iyo mshaariic kaleba.

Daawo: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.