Wasaaradda Arrimaha Dibedda Oo Hargeysa Ku Qabatay Kulan Lagaga Hadlay Sidii Internet-ka Looga Difaaci Lahaa Qadiyadda Somaliland

0
45

Hargeysa, 4 Oktoobar, 2017-(tayosame news) – Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa Magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa doorka Dhallinyarada Somaliland ee isticmaala Baraha Bulshadu ay ugu difaaci lahaayeen Somaliland, maaddaama oo Dunida Casriga ah la isku adeegsado Internet-ka.

Kulankan oo ka qabsoomay Huteelka Maansoor Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiiru-Dawlaha Wasaaraddaasi, Agaasimaha Guud, Drs. Edna Aadan Ismaaciil iyo Dhallinyaro tiro badan.

Aasaasaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaynu ka wada-hadlayno idiinkaa Maanta Afkeedii garanaya ee Gacanta ku qabta, Waayo? Tiknoolajiyadda iyo farsmooyinka loo wada-hadlayaa way isbeddeshay..”

Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mr. Saleebaan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa jira wax la yidhaahdo Wikipedia oo Qof walba wuxuu doono gelin karay, marmar Khariiradda Somaliland oo khalad ah ama Qoraal khalad ah, markaa waxa loo baahan yahay dhallinyaradu inay saxaan ama ay hagaajiyaan..”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland oo isaguna halkaa hadal kooban ka soo jeediyey ayaa yidhi “Maaddaama oo ILAAHAY ina baray Tiknoolajiyaddii, Fursad-na u hesheen, waa inaynu si Wanaagsan uga faa’ideysanno, kana shaqeyno sidii Somaliland ictiraaf ku heli lahayd, Cadowgeennana iskaga difaaci lahayn…”

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna yidhi “Ujeeddada aynu iskugu nimid waxa weeyaan Dunida Cusub sidaynu uga faa’ideysanaa oo aynu Dalkeena uga difaacnaa, oo Qaddiyadeenna Caalamka ugu soo bandhignaa isla-markaana aynu iskaga celinaa wixii innagu lid ah.  Imika waxa lagu dagaalamayaa Dunida aan la arkayn (Internet-ka), Qolo walba waxay isku dayeysaa in iyada oo aan wax u dhaawacayn si taaban karo inay waxyeelayso oo ay meesha ka saarto, markaa waxaynu doonaynaa inay ka shaqeyno sidii aan meesha la inooga saareen, Qadiyaddeennana aynu kor ugu qaadi lahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.