Sucuudiga: Tuug U Dhashay Dalka Yemen Oo Xaday Dahab iyo Lacag Qiimahooda Lagu Sheegay 1.3 Milyan

0
171

Saudi Arabia (Tayosame News) Nin u dhashay Dalka Yaman ayaa waxa uu magaalada Jaasaan ee Dalka Sucuudiga ee ku taala Xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Dalka Yaman uu ka xaday Dahab qoomihiisa lagu sheegay 5 Millyan oo Riyaalka Sucuudiga ah,taasi oo u dhiganta 1.3 Millyan oo Dolkar.

Mulkiilaha dahablahaasi ayaa waxa uu sheegay in kadib markii uu arkay in la xaday uu qiimayn ku sameeyay alaabtii iyo lacagtii laga xaday ay noqotay qiimahaasi.

Ciidamada Amaanka ee Magaaladaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ku daba jiraan qof la tuhunsanyahay in uu yahay Tuugi Dahablahaasi xaday kaasi oo ay sheegeen in uu u dhashay Dalka Yaman.

Falalka tuugada ah ee ka dhaca Dalka Sucuudiga ayaa hadd iyo waxa loo aaneeyaa Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan dalkaasi kuwaasi oo hadd iyo jeer xabsiga loo taxaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.