Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Oo Weerar Ku Qaaday Guriga Musharaxa Xisbiga Wadani “Tolow Ma Shaanidii Ayaa Soo Noqotay?”

0
104

Hargeisa: (Tayosame news) -Dhalinyaro ku labsinaa calanka Kulmiye isla markaasina madaxa ay ugu xidhnaayeen calanka Kulmiye oo aad u tiro badan ayaa caawa weerar shiid ah ku qaaday aqalka uu magaalada Hargeysa ka deganyahay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, aqalkani oo ku yaala xaafada PEPSI-ga ayaa shiid hadhka lagaga dhigay isla markaasina ay caayayeen musharax Cirro iyo xisbiga Waddani.

Xoogaa yar kadib ayaa markii ay dadka xaafadu ka war heleen arintaasi weearka ee ay soo qaadeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee ka soo duulay xaafadaha 26-ka Jun iyo Koodbuur ay iska hor yimaadeen dhalinyaradii xaafada Pepsiga oo dadkii soo duulay ee wax shiidaayay xoogaa dib u caabiyay oo ka fogeeyay gurigii Cirro ee ay ku hareeraysnaayeen ee ay shiidayeen, xoogaa markii labada dhan ay is shiidayeen ayaa wax goobtaasi soo gaadhay ciidamada booliska oo wata dhowr baabuur, waxna ay kala dareeriyeen dadkii meesha ku sugnaa iyada oo ay yaaceen dhalinyaradii Kulmiye soo abaabulay ee shiidaysay guriga Cirro kadib markii ay arkeen ciidamada Booliska ah ee soo socda.

Waa markii u horaysay ee arintani oo kale ay ka dhacdo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somalilandba, waana arin ku ugub ah siyaasada Somaliland hadii aan arintaasi wax deg deg looga qaban waxa ay aakhirka isu rogi doontaa mid hesha fal celiskeeda, waxna haboon in aan cidna ayna sharciga gacanta ku qaadan ee arintani deg deg wax looga qabto.

Caawa ayaa xisbiga Kulmiye waxa uu dabaaldaga ka bilaabay xaafadaha uu ku xooganyahay sida Koodbuur iyo 26-ka Jun iyada oo maalinta bari ahna la filaayo in xisbigaasi uu isu soo baxo.

Waararkani ay xisbiga Kulmiye ku soo qaadeen guriga Cirro ayaa daba socda hadalo kul kulul oo ay is dhaafsadeen Muuse Biixi iyo Cirro, kuwaasi oo caawa keenay ficilkani gacan ka hadalka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.