TACSI: Guddomiyaha Xisbiga WADANI Oo Ka Tacsiyadeeyey Faysal Cali Waraabe Geeridi Ku Timid Wiilkiisa

0
28

Hargeisa (Tayosame news) Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha kala duwan ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbiga UCID oo uu ka tacsiyadeynaayo geeridii ku timi wiil uu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Sayid-Xuseen Faysal Cali oo ku geeriyooday dalka Suuriya. Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi isaga oo Alle uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo Naxariistiisii jannatul Fardowsa. Aamiin aamiin.

Waaxda Warfaafinta WADDANI. Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.