Taliyihii Hore Ee Milateriga Masar Oo Laga Joojiyey Doorashada Madaxtinimada, Xabsigana Loo Taxaabay

0
20

Masar (Tayosame News) Sami Anan oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa axadii, ayaa lagu eedeeyay inuu hagaajistay waraaqa been abuur ah inuu dhammeeyay.

Madaxii hore ee ciidamada qalabka sida ee Masar, Sami Anan, ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay musharaxnimadaiisa doorashada madaxtinimada dalkaasi, sida uu sheegay afhayeenka ololaha doorashadiisa.

Go’aanka ayaa yimid saacado kaddib markii Guddiga Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Masar (SCAF) ay xabsiga dhigeen Anan iyaga oo ku eedeeyey inuu gaystay xadgudubyo “la xiriira dhinaca sharciga militiriga.

Afhayeenka ayaa sheegay in olalaha doorashada Anan oo ah musharax u tartamaya doorashooyinka madaxweynaha Maarso la hakin doonaa “illaa iyo ogeysiis danbe hadal uu soo saaray Talaadadii.

Sami Anan oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa axadii, ayaa lagu eedeeyay inuu hagaajistay waraaqa been abuur ah inuu dhammeeyay adeeggiisa milatariga mana uusan helin ogolaanshaha ciidankiisa.

“Ciidanka Qalabka sida ayaa warbixintooda ku sheegay inaysan oggolaanaynin jebinta xeerka iyo sharciyada adeegga milatariga ee eedaysanaha geystay, sida dokumentiyada been abuurka “ayaa lagu yiri hadalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Anan uu raadinayay in uu kala qaybiyo ciidamada qalabka sida iyo muwaadiniinta.

Anan ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada, laba saacadood ka dib markii madaxweynaha hadda Abdel Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay qorshihiisa inuu doonayo kursiga madaxtinimada mar labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.