Tallaalka Cudurka Covid-19 oo Muqdisho Ka Degay

0
704

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ay horkaceyso wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah.

Tallaalka wuxuu gaadhayaa ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaadhsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ay gadhwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaadhsiinayo waddamada saboolka ah.

Berri ayaa la filayaa in la tallaalo dadka ugu horeeya oo ay kamid noqon doonaan shaqaallaha caafimaadka, dadka meelaha laga soo galo Soomaaliya ka shaqeeya iyo booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.