hargeisa (Tayosame news) -Jinku wuxuu kamid yahay makhluuqaatka naga qarsoon, haddana in aan rumeynno jiritaankiisu waa qeyb ka mid ah caqiidaddeenna Islaamka. Waa caalam kale oo saddaxeeyo kan Malaa’ikta iyo dadka.
Jinku waxaa jiro waxyaallo uu insiga (dadka) la wadaago sida caqliga iyo garashada, kala doorashada waxa xun iyo waxa san. Waxay kukala duwanyihiin xagga abuurista oo dhoobo iyo dab ayaa laga kala abbuuray. Labadaas qodob oo muhiimka ah markaan kasoo tallaabno waxaan horey usii galeynaa caalamkaan jinku sida uu u dhaqmo, waxaana isku dayeynaa in aan soo qaadanno un waxyaalaha sugan ee qur’aanka, sunnaha iyo culumada soo guuriyeen, sheekooyinka iska khayaalka ah boos ma siin doonno.
• MAGACA JINKA: Ereyga (jin) waa erey carabi ah macnahiisuna yahay wax qarsoon ee aysan dadku arki karin, ilmaha marka ay ku jiraan caloosha hooyada waxaa sidoo kale afka carabiga lagu yiraahdaa Janiin.
• Maxaa Laga abuuray: waxaa laga abuuray dab. وَالجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ مِنْ نَارِ السَّمُومِ.
• Jinka waxaa la abburray intaan la abbuurin Insiga. Waxaa la sheegaa laba sano in uu horreeyey Jinka lakin war la hubo ma ahan saxnimadiisa.
• Wuxuu leeyahay Muuqaal, Cod, Indho, Dhego iyo Dhugba.
• Jinku xoolaha iyo jamaadaadka oo kale ma ahan, wuxuu lamid yahay dadka inta laga rabo ayaana laga rabaa xisaab aakhirana wey sugeysaa. Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay: “uma abbuurin Jinka iyo Insiga waxaan ahayn in ay I caabudaan”.
• Waa kuma ibliis?
Ibliis markiisi hore addoon toosan oo rabbigiis caabudo ayuu ahaa, samada ayuu la degganaa Malaa’ikta, kadib Jannada ayuu galay. Asagoo barwaaqadaas iska jiro, ayuu Eebbe kor ahaaye abbuuray aadan, kadibna waxaa la amray sheydaan in uu u sujuudo Aadan CS wuuna diiday, sidaas ayuu ku waayay raxmaddi rabi, jannadi ayaa laga soo buriyey, wuxuu Ilaahay weydiistay in uu cimri dheer siiyo, waxaana loo ballanqaaday in uu noolaado inta uu adduunka jiro.
• Ibliis waa aabbaha uu kasoo farcammay Jinka sida uu Insigu uga soo farcamay nabi Aadan CS. Khilaaf ayaa ka jiro arintaan, sida saxda ah Allaa og.
• Sheydaanku waa addoonka ugu fool xun inta uu Ilaahay abbuuray, Alle kor ahaaye wuxuu ku shaabbahay geed ka baxo qeybaha hoose ee Naarta Allaha naga badbaadiye.
أَذَلِكَ خَيْرٌ نُزُلًا أَمْ شَجَرَةُ الزَّقُّومِ * إِنَّا جَعَلْنَاهَا فِتْنَةً لِلظَّالِمِينَ * إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِي أَصْلِ الجَحِيمِ * طَلْعُهَا كَأَنَّهُ رُءُوسُ الشَّيَاطِينِ الشيطان.
• Sheydaanku wuxuu leeyahay labo gees, xadiis nabiga SCW laga wariyey ayaa macnihuusu ahaa: “ha tukannina qorrax dhaca agtiisa iyo qorrax soo baxa, waxay ku dhacdaa kana soo baxdaa labada gees ee sheedaan dhexdooda”. Gaalada waxay caabbudi jireen qorraxda, waxayna u sujuudi jireen marka ay dhacayso iyo marka ay soo baxayso, sheydaanka oo mar walba diyaar u ah in uu ka faa’iideysto fursadaha soo maro ayaa geesihiisa ku aaddiyo qorraxda si ay ugu ekaato in asaga loo sujaadayo oo la caabbudayo. Sidaa darteed ma bannaano in la tukado salaadda casar kaddib iyo salaadda subax kaddib.
• Waxaa la sheegaa in uu jinnigu leeyahay darajooyin iyo tilmaamo si la mid ah Insiga. Sida qof wanaagsan mid xun iyo wixi lamidka ah.
- Adduunka jinniga, midka wanaagsan ee akhyaarka ah waxaa loo yaqaannaa Jinni, macnaha waa qof jinninimadi ka run sheegay oo daacad ah waxay la macno tahay ninkaan waa nin beni-aaddannimada wax ka yaqaanno.
- kuwa Insiga la dego waxay u yaqaannaan Caamir.
- kuwa carruurta dhiba waxay u yaqaanaan Arwaax.
- kuwa dhibka badan waxay u yaqaannaan Sheydaan.
- Marka uu faraha ka baxo oo loo maara waayo Maarid ayaa looga yaqaannaa adduunweynaha Jinka iyo sheydaan.
- Cifriit waa kan ugu awoodda iyo maamuuska badan.
• Xadiis nabiga SCW laga wariyey ayaa macnihiisu ahaa ” Marka aad maqashaan qeylida diiqa, Ilaahay weydiista fadligiisa wuxuu arkay malaa’ige, markaad maqashaan qeylida Dameerkana Ilaahay ka magan-gala Sheydaanbuu arkaye.
• Cuntada iyo cabbitaanka jinka.
Waxaa soo arooray xadiis nabiga SCW laga wariyey oo oranayo: “ha ku saxaroonina Saalada iyo lafaha sababtoo ah waxaa lagu quudiyaa walaalihiinna Jinka”.
• Jinku wuu is guursadaa wuuna tarmaa.
• Jinku wuu dhimmanayaa lakin Insigu wuu ka Cimri dheeryahay, waxaana ugu cimri dheer Sheydaan oo Ilaahay ka codsaday in uu noolaado Ilaa qiyaamaha.
• Jinka wuxuu hadbo degaa halka uu ku dhaqan yahay, kuwa Muslimiinta ah waxay la degaan muslimiinta insiga ah, kuwa gaalada ah suuqyada ayey wareegaan iyo musqulaha. Mugdiga iyo qubuuraha ayey fadhiistaan, adinka ayey ka cararaan, bisha barakeysan ee Ramadaanka waa la xiraa, guriga lagu akhriyo suurat Baqrah wey ka cararaan, cuntada bisinka lagu billaabana wey ka cararaan.
• Jinku wuxuu leeyahay awoodo uusan Insigu lahayn sida
- Deg-deg: sida kii kursigi Balqiisa yiri waxaan ku keenayaa si dhaqso ah.
- FG: haddii aad ku riyooto nabi Muxamed SCW oo aad aragto waa sida aad u aragtay, sheydaanku ma awoodo in uu isku ekeysiiyo.
• Waxaa loo soo diray rusul iyo nabiyayaal Insi ah sida qur’aanka ku cad.
• Inta badan jinku waa gaalo iyo fusaaq qeyb muslimiin ahna wey jirtaa.
• Qof walba oo Insi ah waxaa la nool mid Jin ah, nabigu SCW wuxuu yiri kan aniga ila nool wuxuu Ilaahay ka dhigay Muslim, waxaan kheyr ahaynna iima sheego.
• Jinku waxba kama oga cilmu qeybka, qur’aanka ayaa caddeeyey sida ku cad qisadi geeridi nabi Suleymaan CS.
• Ma bannaano in la kaalmeysto jinka, muslimiintooda xataa, looma kaalmeysan karo daaweynta qof jiran iyo raadinta qof maqan iyo wixi lamid ah.
Wixi dheeraad ah waxaad ugu laaban kartaa kutubta arrimahaan wax ka qoray.
Xigasho: Mohamed H. Biikole