Tirada Dhimashada Falastiiniyiinta Marinka Qaza Oo Korodhay iyo Israaiil Oo Eedahaasi Iska Fogaysay

0
387

Qaza (Tayosame News) Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay inay mas’uul ka yihiin dhimashada dadkani.

Milateriga Israel waxaa ay dhankooda shegeen in dadkani ay dhagxaan iyo walxaha qarxa ay ku soo tuurayeen milateriga, waxaana ay shegeen inay kaga jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas.

Falastiiniyiinta Qasa ayaa iyagoo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ku bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona.

Milatariga Israel-na waxa uu ku waramay in “rabshado” ka socdaan lix goobood waxaanu sheegay in ay “rasaas ku rideen kuwa rabshadaha horseedka u ah”.

Falastiiniyiintu waxay iskugu uruureen oo fadhiisimo ka dhigteen shan goobood oo u dhaw xadka.

Dibadbaxyada Qasa ka bilowday ayaa bilow u ah wax Falastiniyiintu ay ugu yereen toddobaadyo banaanbax ah oo ay ku dalbanaayaan in qaxootiga Falastiniyiinta loo ogolaado inay ku labtaan guiryahooda oo imika ah Israel. Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay inay yeelan doonaan kullan looga hadlayo xaaladda ka soo cusboonaatay Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.