USA, 4 Oktoobar, 2017-(Tayosame news) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la weydiiyay in falkii uu geystey Stephen Paddock ku tilmaami lahaa ‘mid argagixiso oo maxali ah’, balse wuu diiday in uu sidaas sheego.
Trump wuxuu Paddock ku tilmaamay “nin xanuunsanaya”, isaga oo sidoo kale ballanqaaday inay dib u eegis ku samayn doonaan xakamaynta hubka Maraykanka.
Paddock ayaa hub badan iibsaday ka hor inta aanu weerarka qaadin, qolkii uu ka deganaa Hoteel Mandaleya Bay, waxaa laga heley 23 qori iyo kumanaan rasaas ah.
Paddock ayaa wuxuu toogasho ku diley 59 qof, 500 kalana wuu dhaawacay kadib markii uu oodda kaga qaaday rasaas ka dhaceysay qori ah nooca darandooriga u dhaca.
Falkaas ayaa noqday dhacdadii ugu xumeyd oo dad intaa la’eg lagu laayo, taariikhda dhow ee Maraykanka.
Markii uu waagu dilaacay, midab dahabi ah ayuu yeeshay darbiga dhismaha Hotel Mandaleya, meel ku beegan halkii uu rasaasta kasoo hurgufey Paddock. Waxaa la arki karaa daaqado burburay.
Waddooyinka, xadhkaha jaalaha ah ee booliiska ayaa wali ku xayndaaban halkii ay wax ka dhaceen, iyada oo laydhadhka ka ifayay caweyskii caanka ahaa ee Las Vegas la bakhtiyay.
Dad badan oo baroordiiq samaynaya ayaa isugu yimid meelaha qaar, kuwaas oo shumacyo shiday.
Donald Trump ayaa weeraro argagixiso ku tilmaamay kuwo midkan ka khasaare yar oo Maraykanka ka dhacay.
Paddock waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, isla-markaana haystay Sharciga duuliyenimada, iyo Sharciga ugaadhsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah. Balse Qof mar deris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu qof khamaarka aad u ciyaara, isla-markaana dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola yaabo.
Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay jiraan sababo loo rumeysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda iskaga buuqsanaa.
Nin lagu magacaabo David Famiglietti oo leh bakhaar hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in tukaankiisa uu hubka ka iibsaday Paddoc gu’gii sanadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu waafaqay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.
Balse, waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray, haddii kale ayna suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqadho, qasaaraha intaas la’egna geysto mudada sidaas u gaaban.
FBI-da waxa ay sheegtay in ayna helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xidhiidh la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool.
Erick Paddock oo ah Ninka la dhashay Stephen Paddock ayaa sheegay in Aabahood uu ahaan jiray nin bangiyada dhaca, kaas oo ku jirey liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badan yahay.
Kaarto ay ciidamada dhajiyeen sanadkii 1969-kii ayaa waxaa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock, waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda.
Patrick ayaa la qabtay sanadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen u weynyahay.
Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa korey isaga oo u malaynaya in uu aabihii dhintay, balse, sanado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka ayaa waxaa loo sheegay in aabihii uu noolyahay, yahayna qof horey uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo lagu yaqaanay. Mar aan sii fogeyn ayuu dhintay Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanka.
Sida ku qoran warbixin ay uu faafiyay Telefiishanka NBC News, Stephen Paddock ayaa dhawaan ciyaaray khamaar lacagtiisa dhan tahay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guuleystay iyo in uu guuldaraystay.