Turkeyga iyo Somaliya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lacago Qaaliya Ku Kacay iyo Somaliya Oo Suuqyo Caalamiya Ka Furanaysa Turkey

0
79

Somalia (Tayosame news) Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi ganacsi oo dhinacyo badan leh, kaddib markii ay yeeshyeen shir ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashiga labada dal u dhaxeeya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa si rasmi ah heshiiska qalinka ugu duugay, waxanay tallaabadan fursad weyn u noqon doonta Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhiggiisa Turkiga u bandhiggay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskan, isla markaana looga mira dhalin lahaa.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaadhsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan doona Khayraadka dalkeenna, sida Kaluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.