W. Biyaha Somaliland Oo Daah-furtay Barnaamij Lagaga Faa’iidaysanayo Biyaha Roobka

0
170

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daahfuray barnaamijka GACMAHAAGA BIYO KAGA DHARAG oo ku sabsan sidii biyaha roobka looga faa’iidaysan lahaa.


Madaxweyne ku xigeenka oo madaashi khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay inay bulshadu biyaha qabsato, sidoo kalena barnaamijkani yahay barnaamij balaadhan oo buslshada lagu wacyigalinayo inay biyaha roobka ka faa’iidaystaan.


Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada ay leedahay in biyaha la qabsadaa.


Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada barnaamijkan.


Shirkan daahfurka hawlgalka gacmahaaga biyo kaga dharag ayaa waxa ka soo qayb galay dhinacyo kala duwan oo bulshada ka socda.


Kuwaasoo ay ka mid yihiin La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada, Taliyaha Ciidanka Dabdamiska, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka.
Intii uu shirku socday waxa lagu lafoguray siyaabaha ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo biyaha roobka iyada oo la adeegsanayo cududa bulshada Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.