Steevab Paddok waxa uu ahaa Ninkii geystay dilkii toogasho ee ugu badnaa taariikhda dalkaasi Maraykanka, haddaba waalidkii dhalay ninkaasi ayaa la xaqiijiyay inay ciidammada FBI-du daba guri jireen muddo dheer isla markaana waxa lagu soo eedeeyay oo ku caddaatay inuu falal tuugo ah oo aad u waaweyn uu geysan jiray, sidoo kalena waxa uu ku caan baxay dhicista Bangiyada.
Waalidkii dhalay ninkani 59 qof ku dilay Las Vegas oo ku caan baxay magaca “Big Dad” kaasi oo macnihiisu yahay “Aabihii weynaa”, ciidammada Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay sanadkii 1969kii waxa aanay ku qabteen isla magaalada Las Vegas, intaasi kadib wuu baxsaday waxaanay ciidammadu dadka ku waciyi galiyeen inay iska ilaaliyaan waxa aanay ku tilmaameen inuu yahay nin maskaxda wax ka qaba.
Haddaba, Ninkan 59 qof ku dilay Las vegas ayaa waxa uu arrimaha noocan oo kale ka dhaxlay Aabihii waayo, markii ay Aabihii xidhayeen ciidammada FBI-du waxay da’diisu ahayd 7jir waxa aanay hooyadii kula dedaashay in aanu maqal wararka xunxun ee Aabihii laga sheegayo, balse nasiib darro lixdan sano kadib ayaa waxa uu ku kacay fal aad u fool xun oo ay ku naf waayeen ugu yaraan 59 qof isaguna uu ku naf waayey.