Wadamadda Yurub Oo Ka Biyodiiday Inay Safaardahooda Telviv Usoo Raraan Qudus iyo Raysal Wasaaraha Israaiil Oo Waji Gabax Kala Soo Kulmay

0
333

France (Tayosame news)  Ra’iisal wasaaraha Israel oo ku sugan magaalada Paris ee Caasimadda Framce ayaa mar kale soo dhaweeyay go’aankii Trump uu qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda ee Israel.

Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa wadamada Midowga Yurub ka dalbaday in ay safaradahooda usoo raraan Qudus Islamarkaana ay taageeraan go’aanka Maraykanka, wadamada Yurub ayaa si kulul uga soo horjeestay Ra’iisal wasaaraha Israel waxayna ka digayn dhibaato ka dhacdo Bariga dhexe.

Madaxa arimaha Siyaasadda ee Midowga Yurub ayaa Paris ka sheegay in Qudus ay tahay magaalo barakeysan go’aanka Maraykankana ay ka soo horjeedaan waxa uuna Israel iyo Falastiin muranka u dhaxeeyo lagu dhameeyo wadahal.

Israel ayaa Yurub kala kulmaysa dhabar jab xoogan, waxa uuna qorshaha safarkiisa uu ahaa in Wadamada Yurub ay taageeraan go’aanka Madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.