Wadamadii Saxeexay Heshiiskii Nuclearka Ee Iran Oo Ka Soo Horjeestay Go’aankii Madaxwayne Donald Trump

0
36

Hargeisa: (Tayosame news)-  Dhammaan lixdii dal ee kale ee saxiixay heshiiska nukliyeerka ee Iiraan ayaa sheegay inay ka go’an tahay meelmarinta heshiiskaas, walow uu Madaxweyne Trump sheegay inuusan qadarin doonin heshiiskaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu hakiyo dhaqangalka ka mid ahaanshihii Mareykanka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan, taas oo horseedday cambaarayn ka timid quwadaha kale ee caalamka ee heshiiskaasi saxiixay.

Trump ayaa sheegay in Tehraan ay dhowr jeer ku xadgudubtay heshiiskii 2015-kii ee lagu xakamaynayay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxa uu sheegay inuusan heshiiska durbadiiba meesha ka saarayn balse uu kala saqeyn doono Congress-ka in dib u habeyn lagu sameeyo khaladaadka heshiiskaasi ku jira.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa su’aal galiyay in Madaxweyne Trump ay u suuroobayso inuu kaligii uu meesha ka saaro heshiis Tehraan aanay la saxiixan Mareykanka oo kaliya balse ay qeyb ka ahaayeen Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha iyo Jarmalka.

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in soo afjaridda heshiiskan aanay hal madaxweyne gacanta ugu jirin.

Ruushka ayaa ku dhaleeceeyay Madaxweynaha Mareykanka inuu adeegsanayo hadallo daandaansi iyo cabsigelin ah.

Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo labaduba ay Iiran cadaw u tahay ayaa ammaanay go’aanka Madaxweyne Trump

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.