Home Warar Wadankii Labaad Oo Qudus U Aqoonsaday Caasimada Israiil iyo Safaaradiisa Oo Uu...

Wadankii Labaad Oo Qudus U Aqoonsaday Caasimada Israiil iyo Safaaradiisa Oo Uu U Rarayo

0
11

Guatemela (Tayosame news)  Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray in safaaradda dalkiisa uu ku leeyahay Israel loo raro magaalada ay isku haystaan Israel iyo Falastiin ee Qudus taas oo uu dhowaan u aqoonsaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in ay tahay caasimadda dalka Israel.

Mr. Jimmy Morales oo u muuqda mid raacaya wadada Trump ayaa noqonaya dalkii labaad ee ku dhawaaqa in uu safaaraddiisa Israel u rarayo magaalada barakeysan ee Qudus.

Lixdii bishan December ayay aheyd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in dalkiisu uu u aqoonsanayo magaalada Qudus ama Jerusalem caasimadda dalka Israel islamarkaana uu safaaraddiisa magaalada Tel Aviv usoo rarayo magaalada Qudus, laakiin waqti lama cayimin.

Go`aanka Trump ayaa dhaliyay dibadbaxyo iyo mucaaradad adduunka oo dhan ah, waxaana la cambaareeyay go` aanka uu ku aqoonsaday magaaladaasi in ay tahay caasimadda Israel.

21-ka bishan ayay aheyd markii qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay lagu diiday looguna baaqay in Mareykanku ka laabto go`aankaasi.

128 waddan ayaa qaraarkan u codeeyay in Mareykanku ka laabto, waxaana taageeray oo keliya sagaal waddan oo ay Guatemala ku jirto.

Qaaradda Afrika ayaa waxaa go`aanka Trump ka taageeray dalka Togo.

Si kastaba, dalal Islaam ah oo uu Turkigu ka mid yahay ayaa iyana dhankooda sheegay in ay safaarado ka furanayaan bariga Qusus oo ay gacanta ku hayaan maamulka Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.