Korean (Tayosame News) Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa shirkii Jimcihii ay la yeesheen Koonfurta waxa ay ku tilmaantay inuu ahaa tallaabo wanaagsan oo barwaaqo lagu gaadhsiinayo gacanka Kuuriya.
Fariinta rasmiga ee dalkaasi ka soo baxday ayaa shirkaasi waxa ay ku tilmaantay inuu ahaa mid taariikhi ah oo uu ammaan ku helay hogaamiyooda Kim Jong-un iyo waxa ay ugu yeereen jacelkiisa uu u qabo dadka iyo sida ay uga go’an tahay katalinta aayaha dalka.
Si middaasi ka duwan wargeysyada ka soo baxa Kuuriyada Koonfureed ayaa shirkaasi waxa ay u soo dhaweeyeen si uu taxadar ku jiro, hayayeeshee waxa ay walaac ka muujiyeen sida Waqooyigu uusan u ballanqaadeen inuu ka tanaasulo hubkiisa nukliyeerka.
Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu sii wadi doono cadaadiska uu ku hayo Kuuriyada Waqooyi si uu isugu dayo in gacanka Kuuriyada looga ciribtiro hubka nukliyeerka.
Hadalkiisa ayaa imanaya kaddib shirkii guusha ku soo dhamaaday ee dhexmaray hogaamiyayaasha labada Kuuriya, shirkaas oo labada hogaamiye ee Waqooyiga iyo Koonfurta ay ku sheegeen inay si caadi ah u soo afjari doonaan dagaalka Kuuriya kaddib ku dhawaad 70 sano ah oo uu halkaasi ka taagnaa.