Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacagta Ay Dawladda Somaliland Kaga Kiraysay Dalka Imaaraatka Saldhigga Milatari Iyo Laba Cisbitaal Oo Waa Weyn Oo Dalka Laga Hirgalinayo

0
22

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hogaaminayay ayaa safar gaaban oo shan cisho ah ku soo qaatay dalka Imaaraatka Carabta kaasi oo hawlo shaqo u ugu maqnaa islamarkaana ay arimo badan oo dan u ah Somaliland uu kala soo hadlay,lana soo saxeexday Dalka Imaaraatka Carabta oo mudooyinkan u dambeeyay aad u danaynaya Somaliland inuu xidhiidh dhinac walba leh la sameeyo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Xukuumadda Somaliland oo uu matalayay Madaxweyne Muuse Biixi iyo dalka Imaaraatka Carabtu ay si hufan iskula afgarteen Saldhiga Milatari ee Dalka Imaaraatku ka samaysanayo Magaalada Berbera,kaasi oo ay sida la sheegay isla meel dhigeen lacagta kirada ah ee ay Somaliland ka qaadanayso Saldhigaasi. Inkasta oo heshiiska Saldhigaasi iyo bud dhigiisa ay Xukuumaddii hore ku shaqo lahayd haddana sida wararku nagu soo gaadheen, may jirin wax ku saabsan Kirada oo ay Xukuumaddaasi hore kala hadashay ama heshiis ka gaadheen Imaaraatka Carabta, waxaanay todobaadkan Somaliland iyo Dawlada imaaraatka Carabtu isla qateen xadiga lacagta ah ee sanadkii Somaliland ka qaadanayso Saldhigaasi.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Xubnaha Waftiga Madaxweynaha Safarkan ku wehelinayay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Somaliland iyo Imaaraatku isku afgarteen in kirada Saldhigaasi uu noqdo lacag lagu sheegay Laba iyo soddon Milyan sanadkii, taasi oo wax wayn ka tari doonta mashaariicda Horumarineed ee ay Somaliland ku jirto iyo korna u soo qaadi doonto Miisaaniyada Sanadlaha ah ee Xukuumadda Somaliland u soo xeroota. Arintaasi ayaa sida lanoo sheegay lagu kala hagaagay islamarkaana ay labada dhinaca ee Somaliland iyo Dalka Imaaraatka Carabta ku kala saxeexdeen iyadoo uu Dalka Imaaraatku sidoo kale balan qaaday inuu fulinayo arimihii kale ee mihiimka ahaa ee tababarada Ciidamada Somaliland iyo qalabaynta Ciidanka oo ay hore uga wada hadleen labada dhinac.
Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale uu Dalka Imaaraatku balan qaadayo inuu laba Cisbitaal oo waa weyn uu ka dhisayo Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera si hoos loogu dhigo dhibta muwaadiniinta Somaliland ka haysata daawaynta ay dalka dibadiisa u aadayaan. Waxa sidoo kale ay wararku sheegayaan in Garoonkii Diyaaradaha ee ay Dalka Imaaraatku u balan qaadeen Somaliland inuu uga dhiso Berbera maadaama oo ay kii hore saldhiga ka dhigteen uu Madaxweynuhu ka codsaday inay lacagta uun siiyaan oo ay u daayaan inay Somaliland dhisato ,taasi oo sida la sheegay ay ka aqbaleen Madaxdii Imaaraatku.

Xigasho: Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.