Warbixin Xaqiiqo Ah: Cusbitaalada Shaydaanka Ee Maraykanka

0
311

USA (Tayosame news) Cusbitaalka Taunton ee ku yaalla gobolka Taunton ee dalka Maraykanka
waxaa la sheegay in bukaanada la keeno loo daweeyo qaab aan caadi ahayn
oo shaydaanku ka qayb qaato. Daawaynta waxa ka dhakhtaro ah Shayaadiib.
Waxaana la sheegay in dadka degan cusbitaalka dhinacyadiisa ay arkan
noolayaal aanay garanayn oo habeenkii ka soo baxa cusbitaalka isla
markaa beerta dhinaceedda taga.

Bukaanada cusbitaalka lakeeno ayaa iyagu-na cadeeyay inay habeenkii ka
arkaan hadh darbiyada cusbitaalka kuwaasi oo aad moodo inay
ilaalinayaan bukaanka, laakiin cabsi badan ayay ku abuuraan bukaano badan.

Waxa kale oo isna jira csbitaal laga dhisay dalka Maraykanka sanadkii
1864-kii, laakiin waxa isaga dawladdu al-baabada u laabtay oo xidhay
sanadkii 1994-kii. Sababta cusbitaalkan loo xidhay ayaa ah kadib markii
ay dad badani ku dhinteen gudihiisa iyadoon la garanayn waxa keenay
dhimashada dadkan oo ah kuwo qaarkood aanay bukin-ba.

Dadka cusbitaalkan xanuunada loo keeno ayaa cadeeyay inay goobtani tahay
meel shayaadiintu ka buuxdo oo dadka ku gumaadayaan. Waxaanay intaasi
raaciyeen in habeenkii ay cusbitaalka u dhex wareegaystaan shayaadiintu
si joogto ah, waxaanay ugu baaqeen maamulayaasha cusbitaalka inay
xidhaan. Hase yeeshee cusbitaalkan ayaa al-baabada loo xidhay kadib
markii dhimashadu hadh beeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.