Wardegdega Xoghayihii Qaramada Midoobay Kofi Annan oo Geeriyooday

0
23

Afrika (Tayosame News) Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa geeriyooday isagoo 80 ahaa.

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.

Wuxuu ku guulaystay abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada.

Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.