Wariye Caan Ah Oo Dilay Xaaskiisii Markay Bixin Kari Weyday Gabaatigii + Sawiro

0
452

Hindiya (Tayosame news)  Wariye caan ah oo ka shaqeeya taleefishin ku yaala dalka Hindiya ayaa lagu heley dacwad ah in uu dilay xaaskiisa sanadkii 2000, sababtuna ahayn in ay bixin weyday gabaati.

Dalka Hindiya dumar ayaa raga siiya gabaatiga marka ay isguursanayaan.

Suhaib Ilyasi ayaa waxa uu daadihiye ka ahaa barnaamij looga hadlayo dambiyada dhaca, wuxuuna xiligaas sheegay in xaaskiisa Anju Ilyasi ay iyadu is dishay.

Balse baadhitaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jidh dil xooggan uu u geystay gabadha, si reerkooda uu uga helo lacag badan oo gabaati ah, in gabaatiga ay dumarka bixiyaan ayaa ahaa sharci daro dalka Hindiya laga soo bilaabo sanadkii 1961-dii, balse wali waa arrin bulshada ay ku dhaqanto, boqolaal dumar ah ayaa sanad kasta lagu dilaa Hindiya, waxaana dila qoysaska ragga guursaday, sababtuna tahay maadaamaa ay keeni waayeen gabaati fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.