Wasaarada Difaaca Maraykanka Oo Malaayiin Doolar Ku Bixisay Barnaamij Sir Ah

0
15

USA (Tayosame news)  Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa qiratay inay ku bixisay lacag gaadheysa malaayiin doolar barnaamij sir ah, si baadhitaan loogu sameeyo si loo gatona cida iska leh diyaarado aan la garan heybtooda.

Tiro aad u yar oo saraakiisha wasaaradda ah ayaa ka war hayay barnaamijkan oo billowday sanadkii 2007, kaasi oo haatan la sheegayo in lasoo afjaray sanadkii 2012.

Wargeyska New York Times ayaa qoray in howlgalkaan uu bilaabay toban sano ka hor senetka lagu magacaabo Harry Reid, kadibna uu sii waday barnaamjka senetka kale ee gobolka Nevada.

Waraaqo laga helay barnaamijka sirta ayaa muujiyay waxyaabo diyaarado u muuqaal eg oo si xowli ah ugu dul soconaya cirka iyo kuwa ku wareegsanaya oo aan loo jeedin.

Saynisyahanda ayaa cadeeyay in muuqaalada aanan la garaneyn aysan daliil u ahayn waxa gaadhay agagaarla xidigaha.

Madaxa barnaamijkan Harry Rei, oo ka jawaabayay warbixinta lagu daabacay wargeyska New York Times ayaa bartiisa twitterka soo dhigay in waxa halkaas lagu qoray aysan run ahayn, baadhitaankuna uu la xidhiidhay arrimo salka ku hayay seyniska iyo ammniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.