Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa aamnta laba baabuur oo Wiishashka ceelasha qoda ah iyo gaadiid kale ku wareejisay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool.
Baabuurtaasi ayaa kala ahaa gaadhi weyn oo Wiish ah, kana shaqayn doonna dayactirka ceelasha dhaadheer iyo baabuur kale oo Laankuruuser ah, waxaa lagu wareejiyay isku-duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool
Arrintaasi ayaa ah mid looga dan leeyahay in lagu daadejiyo maamulka, isla markaana halkii alaabta lagu dayactiro ceelashu ay ka taalay Hargaysa, ee looga gurman jiray in hadda gobol waliba uu haysto gaadiidkiisa iyo qalabkiisa.
Iyadoo loogu tallo galnay in goboladda farsamo-yaqaanadoodu ay ku shaqayeen, sida uu sheegay wasiirka biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.
Geesta kale, wasiirka biyuhu waxa uu isla maanta wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ku wareejiyay baabuur nooca Riigga xanbaara ah.
Kaasoo ceelal biyood ka qodi doona deegaamadda Goljanno iyo Dhaba-saar, oo ka tirsan gobolka Sool, sida uu sheegay wasiirka biyuhu.
Waxa kaloo uu sheegay wasiirka biyuhu in ay dhawaan gobolka Sool u diri doonaan 90 Booyadood oo biyo ah, oo ay bixinayso haayadda Save the Children, taasoo berito bilaabmi doonta.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.