Wasiir Hore Oo Somaliya Ah Oo Ka Tanaasulay Mabda’ii Somaliweyn iyo Somaliland Oo Cafis U Fidisay

0
26

Hargeisa (Tayosame news) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu cafis u fidiyey wasiirkii arimaha dibada ee dawlada Somaliya ee sanadihii 2010- 2012 Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland , kaas oo ka tanaasulay fikirkii Somali weyn ee uu hore u aaminsanaa.

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in siyaasigan oo ka soo jeeda qoys caan ah ee reer Cabdilaahi Oomaar uu shalay soo gaadhey magaalada Hargeysa , kadib markii madaxweyne Biixi aqbalay codsi uu soo qortey oo uu ku dalbadey in la cafiyo , kaas oo madaxweynuhuna u qoray cafiska uu dalka ku yimid.

Siyaasigan oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu wasiirka arimaha dibada uu noqdey dawladii uu soo dhigay madaxweyne Sheekh Shariifmarkii dalka jabuuti loogu comaamadey madaxweynaha Somaliya sanadki 2010-kii , waxaana uu xlkaas hayey muddo ku siman laba sannadood.

Mr Oomaarma noqonaayo siyaasigii ugu horeeyey ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tanaasula fikirka Somali weyn ee Burburtey , waxaana la filayaain uu warbaahinta la hadlo oo u cadeeyo mawqifkiisa inta uu Hargeysa joogo.

Maxamed Cabdilaahi Oomaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.