Wasiir Ka Soo Jeeda Qoyska Muuse Biixi Oo Si Kibir Ka Muuqdo Ugu Hanjabay Madax Dhaqameedka Garxajis

0
430

Hargeisa (Tayosame News) Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha xukumadda Madaxweyne  Muuse Biixi, Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaga oo maanta warbaahinta la hadlaaya hanjabaad aan hore loo arag u gudbiyay salaadiinta iyo madax dhaqameedka beelaha Garxajis ee iyagu ku dhawaaqay in ay shir beesha Garxajis u gaar ah ay ku qabsan doonto magaalada Burco laba bilood ka dib.

Wasiir ku xigeenka oo ka soo jeeda ardaaga madaxweynaha ayaa ku hanjabay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidii isku dayda in ay shirar qabsadaan ee salaadiin ah isaga oo daba socda shirka lagaga dhawaaqay in uu ka dhici doono magaalada Burco. Maxamed Muuse Diiriye oo ka dhex hadlaayay cuqaal uu soo abaabulay oo u badnaa kuwa jeegaanta ayaa ka hoos hadaaqaayay kuna taageeray in salaadiintaasi shirka qaban doonta ama ka soo hor jeeda mabda jeegaanta talaabo adag laga qaadi doono, arintani oo ah mid ku cusb dhaqanka siyaasada Somaliland.

Wasiirkani hanjabaaya iyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa si buuxda u taageersanaa shirarkii beelaha Habar Awal iyo Habarjeclo ee ka dhacay Gar’adag iyo kii Hoodaale, lamana garanaayo sabab la isu hortaagi karo shir la mid ah kuwaasi ay jeegaantu kuraasta ku soo fuuleen kuna guulaysateen in ay samystaan Jeegaanta maanta Dalka ka talisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.