Wasiirada Cusub Ee Somaliland Oo Tabobar Ku Saabsan Shaqadooda Loo Furi Doono

0
44

Hargeisa (Tayosame news)  Dhamaan wasiiirada 32 ah ee ka kooban 23 wasiir oo buuxa iyo 9 wasiir ku xigeen ee uu dhawaan magacaabaya madaxweyne muuse biixi  ayaa tobabar ku saabsan qaabka ay ushaqaynayaan waxa looga furayaa maalinka sabtida xarunta hay’adda shaqaalaha Dawlada.

wasiirada xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Oo intooda badani aanay wali hore xilal wasiirnimo usoo qaban ayna ku cusub tahay xilalka loo magacaabay ayaa maalinka sabtida waxa loo furi doonaa tababar ku saabsan qaabka ay u shaqaynayaan iyo wasaaradaha loo dhiibay siday uga hawlgali doonaan.

Codsigan ayaa la sheegay in ay gudbiyeen maamulka hay’adda shaqaalaha dawlada.

Waxaana tobabarkan uu ka markhaati kacayaa heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee wasiirada uu madaxwayne Muuse Biixi usoo magacaabay xukuumaddiisa, sidoo kale waxay muujinaysaa in wasiiradan uu soo magacaabay madaxwayne Muuse ay yihiin kuwo aan aqoon u lahayn wasaaradaha loodhiibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.