Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xil Ka Qaadis iyo Magacaabis Ku Sameeyey Qaar Kamida Maamulayasha Kastamada

0
137

Hargeisa (Tayosame News) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa shalay oo ay bishu tahay 04/02/2018 waxa uu Magacaabis,isku badal Iyo xilka Qaadis ku sameeyay Qaar kamida Maamulayaasha dalka.

Maamuleyaasha uu xilalkii ka qaaday waxaa ka mid ah Maamulihii kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, Maamulhii kastamka Caasho Cado Maxamed Xaaji Mahdi, Maamule ku xigeenkii kastamka Kalabaydh Mustafe Riiraash.

Sidoo kale wasiirku waxa uu Maamulihii Kastamka Abaarso Maxamed Ismaaciil waxa laga dhigay maamule kuxigeenka kastamka Berbera. Halka kastamka Abaarso loosoo magacaabay masuul cusub. Maamulayaasha cusub ee uu Umagacaabay Wasiirku Ayaa Waxay kala Yihiin;

Cumar Xasan Caalin waxa loo magacaabay Maamulaha Kastamka Kalabaydh

Maamulaha Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro

Maamulaha Kastamka Abaarso, Cabdilahi Aadan xirsi

Maamule kuxigeenka Kastamka Saylac waxa uu u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali

Maamulaha Kastamka Caasho Cado Maxamed Cilmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.