Weeraro Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ay Puntland Ka Fulisay Gudaha Dalka Somaliland Ayaa Sababay Inay Somaliand Sugto Xuduudeeda

0
541

SOOL (Tayosame news) Badhasaabka Goboka Sool ee Somaliland Cabdi Khayre Dirir, ayaa ka warramay Duulaanno ay Hore Ciidammada Maamul-gobolleedka Puntland ugu soo qaadeen deegaanno ka mid ah Gobolka Sool, isla-markaana ay ka geysteen Dilal ay u geysteen Dad Shacab ah.

Badhasaabka Gobolka Sool oo Shalay Shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay Puntland caado ka dhigatay inay sidii Jabhadaha hadba Meel ka soo gasho Xuduudka Somaliland, laakiin aanay Somaliland u dul-qaadan karin oo ay ka qaadayso Tallaabooyin ay wax kaga qabanayso.

Badhasaabka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Puntland waxay caado ka dhigatay inay sidii Jabhadaha ay Maalinba Xuduudka meel ka gasho oo ay Maalinba Dadka ku xasuuqdo. Waad ogaydeen in Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo uu la socdo Wasiirka Amniga Puntland ay gudaha u galeen Xuduudka Somaliland boqol KM, Somaliland way arkaysay, iyagoo halkaa joogay muddo laba Maalmood ah, burobagaando iyo hurin Colaadeedna ka waday, taasii oo ay arkaysay Somaliland, balse ay xeerinaysay in Nabadgalyo lagu wada noolaado (wax Tallaabo ah kama qaadin).”

Badhasaabku waxa kale oo uu ka warramay Tirada Dad Ciidammada Puntland ku laayeen Magaalada Qoriley oo ay Toddobaadyo ka hor weerar ku soo qaadeen, “Waxaad ogaydeen in Puntland ay duulaan ku soo qaadeen Sanadkii dhamaaday Dabayaaqadiisii Deegaanka Qoriley oo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland, waxay halkaa ku xasuuqeen Dad maati ah oo Dhowr iyo labaatan Qof ah, waxayna ku dhaawaceen 37 Qof, Magaalada Qorileyna waxay u geysteen Waxyeelo faro badan iyo Baro-kicin Faro badan, waa Magaalo aanay Xaq u lahayn inay yimaaddaan, laakiin sannad gudihii waa markii labaad.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Puntland ay baro-kicisay Dad ku noolaa Qoriley “Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirradiisa oo ku sugan meel aan ka fogayn Qoriley, ayaa Ciidammada Puntland oo ku sugan wata Gaadiidkoodu waxay baro-kiciyeen Dad maati oo Xoolo dhaqato oo ku dhaqnaa Qoriley, markaa waxaanu Adduunka oo dhan u sheegaynaa inay mar walba Puntland….waxay sidaa u samaynayaana waxay wadaan oo ay doonayaan Dhul ballaadhsi, waxaanu u sheegaynaa in aanaan ogolayn in la qaato Taako ka mid ah Dhulkayaga Somaliland.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Gobolka Sool waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay deegaamayn ka wadaan Burtinle oo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland isla-markaana meelaha qaarkood ay u qorshaysay in Garoomo diyaaradeed laga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.