Weftiga Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Gaadhay Hindiya iyo Sababta

0
33
India (Tayosame News) Wefti uu hogaaminayo Ra’iisalwasaare Xigeenka Dalka somaliya Muddane Mahdi Mohamed Gulleid iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka somaliya iyo Golaha Wasiiradda ayaa gaadhay Dalka Hindiya gaar ahaan magaaladda New Delhi.
 Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Hindiya Amb: Abyan Ladane iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hindiya ayaa weftiga Ra’iisalwasaaraha kusoo dhoweeyay magaalada New Delhi.
 Ujeedadda Socdaalka weftiga ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance, oo beri furmaya ayna ka qayb gelayaan Madaxweynayaasha 121 dal oo kamid ah kuwa caalamka.
Soomaaliya ayaa nasiib u heshay ka qaybgalka shirkaasi Ra’iisalwasaare xigeenka iyo weftigiisa ayaana meteli doonna. Waxana uu Ra’iisulwasaare ku xigeenku khudbad ka jeedin doonaa Madasha shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.