Wiil Soomaali Ah Oo Meydkiisa Laga Helay Haro Ku Taal magaalada Askim Ee Dalka Norway

0
90

Norway (Tayosame news) -Booliska dalka Norway ayaa faah-faahin ka bixiyay meyd ay ka heleen war (Haro) ku taal magaalada Askim ee duleedka caasimadda Oslo, waxaana ay ku sheegeen meydkaasi in uu yahay wiil soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdirahman Abdirizaq Abdullahi (7-jir).

Wiilkan yar ee soomaaliyeed ayay kooxaha biyaha quusa waxa ay ka heleen warta habeenimadii talaadada kadib markii la waayay oo uusan dib uga soo laaban iskuulka.

Abdirahman ayaa la waayay xilli uu kasoo rawaxay waxa loo yaqaan SFO oo ah goob iskuulka kadib lagu yara hayo carruurta inta laga gaadhayo afarta galabnimo, waxaana meydkiisa warta laga helay isla habeenkii.

Waxa uu dhiganayay iskuulka Askimbyen skole oo aan sidaa uga fogeyn warta amaba biyaha meydkiisa laga helay, waxaana wararku ay sheegayaan in wartaasi ay kor baraf ka aheyd islamarkaana la arkay calaamad god barafkaasi ka dhex dillaasan.

Waalidka Abdirahman ayaa ka mahadceliyay caawinaada loo fidiyay oo meydka wiilkooda loogu helay, waxaana ay sheegeen in ay ku dhacday musiibada waalid filan karo oo ah in wixii ay ka baqayeen ay rumoobaan.

Baadhitaanka hor-dhaca ah oo ay boolisku sameeyeen ayaa sheegaya in Abdirahmaan uu u dhintay hafasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.