Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ka Tirsanaa Ururka Daacish Oo Lagu Dilay Duqayn Diyaaradeed Dalka Suuriya

0
108

SYRIA (Tayosame ews) Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa la sheegay in 29-kii bishii December ee sanadkii hore 2017-ka lagu dilay dalka Suuriya.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ka barbar dagaalamayay Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Lama sheegin goobta rasmiga ah ee lagu dilay iyo dalka fuliyay duqeynta, hase ahaatee Cali Feysal oo ay walaalo yihiin xuseen  ayaa ku gaabsaday in walaalkiis lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Daacish.

Waxaa kooxda Daacish looga yaqaanay Abuu Shuceyb As-Somali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Xuseen ayaa mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduudka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Kooxda Daacish oo looga sii adkaanayo dagaalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa wajaheysa culeys weyn, iyadoo dhowaan laga saaray meelihii u dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen dalka Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.