Caynaba (Hargeisa Press): Xaalad abaareed iyo biyo la’aaneed oo aad u daran ayaa laga soo sheegayaa goboladda bariga Somaliland gaar ahaana gobolka Saraar.
Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, oo arrintaasi ka hadlay ayaa ka dayriyay xaaladda biyo la’aanta ee gobolkaasi ka taagan.
Waxaan badhasaabku baaq qaylo dhaan ah u diray xukuumadda Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah.
Waxaanu sheegay guddoomiyuhu in guud ahaanba deegaamadda gobolkaasi ay soo waajahday xaalad adag oo biyo la’aaneed iyo mid abaareed oo aad u daran.
Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guud ahaanba deegaamadda hoos yimaadda gobolkaasi ay ka taagan tahay abaar iyo biyo la’aan, isla markaana ay meel adag xaaladu marayso.
DAAWO: Guddoomiyaha Saraar Oo Arrimahaas Ka Hadlaya: