Zimbabwe (Tayosame news)nHay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Zimbabwe, ayaa baadhaysa in ay marwadii koowaad ee hore Grace Mugabe si musuq ah ku heshay iyo in kale shahaadad sare oo la siiyay 2014 kii, xilligaasi oo uu ninkeedu xilka hayay.
Macallimiin sare oo ka tirsan jaamacada Simbabwi ayaa gudbiyay dacwad ay ku codsanayaan in la baadho arrinta haweeneydaasi toddobaadkii hore.
Shahaadada sare ee PhD ayaa lagu siiyay bilo yar gudahood kadib markii laga diiwaangeliyay jaamacada sannadkii 2014, inkasta oo shahaadada noocan ahi u baahantey sannado cilmi baadhiseed oo waqti dhameystiran ah.
Mrs Mugabe ayaa hore u difaacdey taariikhdeeda aqoonta ee jaamacada.