Hargeisa (Tayosame News) Caadada waa wareeg ama (cycle) ay ka qeyb qaataan qeybo badan oo jirka ah ugu horayn qanjirka jirka maamula ayaana amar siinaya qanjir kale oo hormonada sii daaya markaa hormoneskaa waxa ay tagayaan tubooyinka minka ku xiran ayaga oo sii daynaya hormones kale oo tuboyinka ay sameyaan(ovary) markaa kadib
Ugxaan qarxin ayaa bilaabanaysa ilaa sedax waji ayey maraysaa
1. Ukumo badan ayaa samaysmaya amarka qanjirada aawadeed lkn hal ukun ayaa diyaar u noqonaysa in la adeegsado calaamad ayeyna bixinaysaa
2. Ukuntaas ayaa isku badali doonta mid shaqo diyar u ah waxaana ay u soo daadegi doontaa dhanka minka calool canuun ayeyna dareemaan haweenka xiligaan markaa ayaana uurku dhacaa
3. Markaan hadii ukuntaa shahwo ay lakulanto uur ayaa beerma is badal ayaana imaada , hadii aan bacrimin dhicin ukuntaa waa la burburiyaa dhiiga caadadana halkaa ayuu ka imaadaaa
Maalin ilaa 6 maalin dhiig ayaa socda, maalinta 7 ilaa 13 naad ukunta ayaa la soo diyaariyaa, maalinta 14 naad uur in ay haweynedu qaado ayey ukuntu diyaar u tahay, hadii uur dhaco maalinta 15 ilaa 28 waxa ay ukuntu samaysataa xidido dhiig iyo ibi koriimadana halkaa ayey ka bilaabataa.
hadii aan uur dhicin burburinta ukunta ayaa bilaabata dhiigana waa imaadaa ilaa hadana ay wadadii oo kale soo marto.
Caadada wax xanuujisa
Aad ayey u xanuujisaa dumarka qeybta hoose ee caloosha ayada dhabarka ilaa cajirada gaarta waxaa loo qeybiyaa labo nuuc
1. Qeybta koobaad waa xaalad caadi ah oo minka ayaa aruura oo dhibkale makeeno
2. Qeybta labaad waxaa sababa xanuuno ku dhaca minka sida in dahaarka qeybo kamid ah minka ay ku samaysmaan tubooyinka ama mindhicirada.
ama in buro minka ay ku dhexsamaysanto markaana dhiigbax iyo xanuun daran imaado.
iyo caabuq in uu ku dhaco minka ama tubooyinka.
Imaashada dhiig farabadan oo cadada ka badan
Waxaa sababa arimo badan in hormonadii maamulka waday ay shaqadii gabaan ama mid kamid ah la waayol.
in ugxaantii la qarxin waayo ama in minka ay buro kutaalo iyo in minka dahaaradiisa qalad ka jiro.
In lawaayo caadadii ama ay yaraato
Marar ay caadi tahay ayaa jirta sida hadii qofku dhalma gooyo, hadii uur jiro hadii ay nuujinayso haweeneyd hadii dawooyin lagu joojiyo ay qaadanayso,
Marka dhibaatooyin ay kenayaan waxaa kamid ah marka haweentu ay nafaqa daro hayso.
marka hormonekii ragu ku bato,markii hormoneka caanaha keena ku badanyahay.
hadii xubnaheeda taranka aysan dhamayn, am stress uu jiro.
Waxyaabaha dadajiya xanuunadaan
Miisaanka yar , ama kan xad dhaafka ah.
Dumarka dhalmada badan
Iyo kuwa streska ku jira
Dhibaatooyinkaka ay dumarku ka dhaxlaan
Dhiig la’aan
Xajmiga lafaha jirka oo luma
Dhalmo la’aan
Sababta side loo ogaadaa
Baaris dhiiga iyo hormonada ah
Computerka uur ku jirta
Baaris xubinta taranka si buro loo hubiyo
Side loo daweeyee arimahaan
Marka ugu horeysa isbadal xaga nolosha ah badalida cuntada sida in aad cunto cuntada qolofta leh in cabitaan wanaagsan isticmaasho in walwal aad iska ilaaliso,
Ka hortag dhiig la’aan sida in aad isticmaasho beerka kelyaha iyo in aad cuntada protenka leh cunto sida ukunta.
In aad orod samayso exercise.
sidoo kale guurka waa yareeyaa dhibta gaar ahaan isu taga.
Daawo ahaan waxaa la isticmaala dawooyinka xanuun baabiyaha ah sida ipoprofen, asprin hadii dhiig bax saaid ah jiro lama isticmaali karo dawooyinkaan hadii baaris lagu ogaado hormoono maqan ama ay da’ tahay hooyada waxaa la isticmaali karaa dawooyin hormoneska ah loona yaqaano oral contraceptives iyo kuwo lamid ah