Xarakada Alshabaab Oo Weeraro Xun Ka Fuliyey Gudaha Dalka Kenya

0
57

Kenya (Tayosame news)  Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamadooda oo halkaasi marayay.

Mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Kenya.

Mwenda Njoka, afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al Shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraray ciidamada Kenya oo ku safray gobolka Waqooyi bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.