Xasan Ciise Oo Ka Hadlay Dagaalka Beelaha Darar-wayne iyo Baaq Nabadeed Oo Uu U Soo Jeediyey

0
91

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay, isla markaanna ahaa Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, ayaa waxa uu baaq Nabaddeed u diray beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ku dhex-martay deegaanka Ceel Afwayne ee gobolka Sanaag.

Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay inaanay Faa’iiddo ku jirin dagaalka Beelaha Walaalaha ah, isla markaanna is wada dhalay oo Inan iyo Abtigiis ah, kuwaasoo uu ugu baaqay inay Dirirta joojiyaan oo garashadda iyo Caqliga salliimka ahi shaqeeyo, waxaannu Dirirta labaddaas beelood ee Walaalaha ah ku sifeeyay kugu dhimay oo kaa dhimay, taasoo uu ku tilmaamay Arrin aan wanaagsannayn oo Somaliland Ceeb iyo Fool-xumo ku ah.

Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu Xukuumadda Somaliland, Salaaddiinta, Waxgaradka iyo qofkastoo Somaliland ah u soo jeeddiyay inay u gurmaddaan Collaada ka dhex aloosan labaddaas beelood ee Walaalaha ah, waxaannu yidhi “Beelaha Walaalaha ah ee Xididka ah ee wada dhashay, waxaan ugu baaqayaa inay Nabadda iyo Wada Noollaanshaha ku soo noqdaan oo dagaalka joojiyaan, waayo Dilka faa’iiddo kuma jirto, waxa wanaagsan inuu Caqligu shaqeeyo oo Nabadda ay ku soo noqdaan. Waa beello wada-dhashay oo aan kala maarmi karin, waa kugu dhimay oo kaa dhimay.” Ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac.

Waxa kale, oo uu intaas ku daray oo uu yidhi “Xukuumadda Somaliland, Salaaddiinta, Waxgaradka iyo qofkastoo Somaliland ahiba haloo gurmaddo beelahaas Walaalaha ah, waa fool-xumo wayn in Dirirtaasi soo noq-noqoto, waxaan u soo jeeddinayaa in arrintaas deg-deg loo dhammeeyo. Dal is dilaaya oo qabaa’il isku haystaa Horumar gaadhi maayo, Ictiraafna hadalkiisaba daa, Waxaan leeyahay Nabadda, Xasilloonida, wada-jirka ummaddeed ayaa Horumar lagu gaadhaa” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.