Xasuuqa Iyo Dhimashada Qoomiyadda Rohinyga Oo Bil Gudaheed Kor Udhaafay 6700

0
22

Burma (Tayosame news) hayadda ay ku midoobeen dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa daabacday daraasada lagu sheegay in ku dhawaad 6700 oo ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya lagu dilay intii ay socdeen rabshadaha Myanmar.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha, saxafiyiinka iyo saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa hore u diiwaangaliyay tacadiyo naxdin leh oo ciidammada ammaanka Myanmar ay ka gaysteen gobolka Rakhine, taasi oo ay sheegeen qaxootiga soo gaadhay Bangladesh.

Balse daraasadani waa macluumaadkii ugu horreeyay oo faafaahin ka bixinaya qiyaasta tirada dadka Rohingya ee lagu dilay rabshadaha Myanmar.

Tiradan ay hay’ddu sheegtay ayaana aad uga badan mida rasmiga ah ee ay shaacisay dawladda Myanmar oo ah in ay colaadaha ku dhinteen 400 oo ruux.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in dadka dhintay ay ka mid yihiin 730 carruur ah oo ay da’doodu ka hoosayso shan sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.