Ethiopia (Tayosame News) Maanta waxay wadaan magaalada jigjiga sidii looga dhigi lahaa ismaamul magaalo sidii ay horebe ugu guuleysteen
Maahmaah soomaliyeed ayaa ahayd. .abeyso dhul u eki bay kugu dishaa. …JAARSONA soomaali u eki bay kugu dishaa …
Dadkii hore ee soomaliyeed waxay ahaayeen dad aan loo gaban karin oo ogaa qiimaha dhulku leeyahay.
Aadanaha jiritaankiisa iyo karaamadiisuna ku xidhanyahay deegaankiisa hadba sida uu u ilaashado wixii ka danbeeyey 1977kii shacabka soomaali galbreed waxaa ku dhacay colaado sababtay in indheergaradkoodii qaxaan.
Qawmiyadda oromada oo u badan beeraley ayaa marwalba isha ku haysay deegaanka soomaalida ee banaan dhulbeereedkuna ku yaryahay, waxay si xawli ah ugu soo fataheen uguna soo qulquleen magaalooyinka soomaalidu lahayd sida diridhabe oo gobol ahaan la oran jiray isa gurgura awraja, Maantana ay kudoodayaan in ay leeyihiin sababtaana looga dhigay ismaamul magaalo ay wada Lee yihiin labada qawmiyadood ee oromada iyo soomaalidu.
Magaalooyinka baabuli iyo fiyaanbiira oo ahayd magaalooyinka soomaliyeed maanta waxay hoos taagaan kililka afraad ee oromada, soomaalidiina waxaa lagu hayaa xasuuq joogto ah iyo bara kicin .tii ugu xumayd abid.