Australia: (Tayosame news) -Xerada qaxootiga lagu hayo ee jasiiradda Manus ee ku taal Papau New Guinea ayaa askar booliska ahi qasab ku galeen si ay afar boqol oo nin oo diiday in ay ka tagaan xeraada uga saaraan. Xeradaa ayaa dawladda Australia si rasmi ah u xidhay bishii hore.
Ka dib saddex todobaad oo la isku mari la’aa xeradaasi ku taal jasiiradda Menas, ayaa booliska wxay gaareen halkaasi ayagoo ku amray qaxootiga ku sugan inay ka baxaan oo ay ogolaan in loo raro goobo kale.
Qaxootiga ku sugan xeradaasi Tttayaa sheegay in qaarkood jidh dil loo geystay, balse muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya buuq iyo is riix riix aan gacan ka hadal gaarsiineyn
Dowladda Australia oo qaxootigaasi gaysay xeradaasi si loo tixgaliyo codsigooda magangelyo, ayaa ku eedeysay inay goobtaasi burburiyeen, ayna doorteen inay kusii noolaadaan.
Balse ururada gargaarka ayaa ku baaqay in qaxootigaasi loo fidiyo gurmad caalami ah.