Qatar: (Tayosame news) -Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rekis Tillerson ayaa sheegay hadalkaasi, kadib, markii uu Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna tilmaamay inuusan rajo buuxda ku qabin inay Dowladda Sacuudiga doonayso inay Wada-xaajood ka galan xalinta Khilaafka Khaliijka.
Rekis Tillerson waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inaysan wada-xaajood ku khasbi Karin dad aan diyaar u ahayn inay wada hadlaan.
Bishii June 5-dii ayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, kuna eedeeyeen inay taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, balse Qatar wey beenisay eedaasi.