Xiisadda Ka Taagan Wareejinta Magaalada Qudus Oo Sii Kululaanaysa Iyo Madaxda Carabta Oo Ka Hadlay

0
35

Arab world (Tayosame news) Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump uu ka hadli doono Arbacada go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Tiro hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaadhin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.