Xildhibaanada Golaha Deegaanka Oo Ku Foogan Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Maayarka Caasimada Soltelco

0
88

Hargeisa (Tayosame News) Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ku hawlan mooshin ka dhan ah maayirka magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanay sidoo kale taageero u muujiyeen dood ay xildhibaanada wakiilladu soo dhigeen taasoo sharciyeynaysa in maayirrada magaalooyinka xilka lagaga qaadi karo cod hal dheeri ah.

Xildhibaano tiro badan oo Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan wax ka bedelka ay golaha wakiilladu ku samaynayaan xeerka xilka qaadista maayirka kaas oo dhigaya in ugu yaraan saddex meeloodaw meel ay xilka ka qaadi karto maayirka, waxaase ay xildhibaanadani sheegeen inay taasi keeni doonto digtayranimo dhanka maayirnimada ah, maadaama ay adag tahay in tiro intaas le’eg hal mar la wada helo hase yeeshee ay muhiim tahay in cod hal dheeri ah maayirka xilka lagag tuuro.
“Haddii hal dheeri laga dhigo qofku dadka ka dambeeya ayuu eegayaa oo wuxu is odhanayaa waxan waxbaa laga qaban karayaa, mar walba haldheerigaasi waa waxtar baan leeyahay golaha wakiillada aad baan ugu mahad naqayaa” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan ka tirsan dhawr iyo tobanka xildhibaan ee shalay shirka jaraa’id ku qabtay Hargeysa sidoo kale.
Sidoo kale xildhibaanadan ayaa fadhiidnimada shaqada dawladda hoose iyo ta maayirka u sibir saaray xeerkii golaha deegaanka oo sida ay sheegeen la sac-sacay isla markaana kooto lagu xidhay “halka shaqadu ay ka socon la’dahay golaha deegaanka waa la doortay laakiin xeerkoodii baa la sac-sacay marka aynu runta isu sheegno” xildhibaanada oo hadlaka sii wata ayaa yidhi “Maayirku shaqadiisa waa inuu qabsadaa, shaqadiisana waxa uu qabsanayaa marka uu ogyahay xildhibaanadiisa , dhaliilo way jiraan dhaliilahana waxaa keenay 17-ka qof ee aan laba soo heli Karin”.

Hadalka xildhibaanadan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dadwaynaha reer Hargeysa saluugsan yihiin shaqada golaha deegaanku hayo, waxaanay tan iyo markii xukuumadda cusub la doortay ay rajaynayeen in isbedelku soo gaadho xarunta dawladda hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.