Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dalbaday In Xukuumadu Ay Keento Miisaaniyada

0
18

Hargeisa (Tayosame News) Xildhibaan Xasan Muuse Hufane iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gudbiso Miisaaniyad sannadkii, waxa kale oo ay ka hadleen aragtidooda ku waajahan sicir bararka dalka ka taagan iyo qodobada ay Xukuumaddu ka soo saartay.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumaddu ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u xaliso colaada ka taagan Deegaanka Ceel-afweyn, oo labada beelood ee deegaankaas wada dega ay xaliso cadawaada iyo dhibaatada dhex taala, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Xasan Muuse Hufane uu yiidhi isagoo ka hadlaya sicir bararka “Waxay ahayd muhiimadu in sicir bararka si toos ah ay Xukuumaddu wax uga qabato, sababaha keenay in sicir bararka iyo sarifka doolarka ee kacsan waxa ka mid ah lacagaha la soo daabacayo ee suuqyada soo galaya iyo lacagtii adkayd oo Baanka la dhinac mariyey,labadaas oo la hagaajiyo mooye, wax sicir bararka laga qabanayaa ma jirto, oo haddii kaashkii uu suuqa ka yaraado, Baankana awoodiisi loo soo celiyo, sarifkan lacagta doolarka ee kacsani meesha wuu ka baxayaa, sicir bararkuna xal baa loo helayaa, laakiin waxaad mooda inay Xukuumaddu si toos ah uga leexatay qodobadii muhiimka ahaa ee wax lagaga qaban lahaa sicir bararka”.

Xildhibaan Xasan Hufane mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Inkasta oo wakhti kala guura ah lagu jiray, oo laba Xukuumaddood taladdii dalka iskaga dambeeyeen, haddana Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda haddii aanu nahay waxaanu Xukuumadda uga fadhinaa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiso Miisaaniyad sannadeedkii, sababtoo ah haddii kolba wax dib inooga dhacaan waa dhibaato, markaas waa in wakhtiga ugu dhakhsaha badan uguna haboon Miisaaniyadda ay u soo gudbiso Xukuumaddu”.
Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo isna ugu horeyn ka hadlaya sicir bararka ayaa yidhi “Xukuumaddu habkii ay ku xakamayn lahayd sicir bararka may marin, wax alaale waxay kordhiyeen qodobada ay ka soo saartay oo wax ka qabanaya sicir bararka iyo shilinka Somaliland ee baabay ma jirto, waxa ugu culus ee inala degay ee qiima dhaca shilinkeena gaadhsiiyey waxa weeyaan lacagta sida bilaa xadka ah loo soo dabaacayo, ee qolada qaadka ee lacagtoodii birta ahayd diiday ee yidhi doolar ayaanu doonaynaa, iyo Shirkadda DP World oo iyana lacagta Doolarka ah qaadata, lacagta Mobilada lagu shubtaa waxa haba yaraate sicir barar ah oo ay keenayaan ma jiraan, waxay la mid yihiin lacagta jeebadda lagu qaato, waxaan u maleenayaa nasiib daro ayaa ina haysata ee malaa Xukuumaddan maantu maaha Xukuumad diyaar u ah inay wax ka qabato culayskaas dadka saaran ee dhinaca sicir bararka, haddii la yidhaahdo lacag baan kantaroolayaa oo amar baan bixinayaa suuq madaw bay galaysaa, waxa laga dooni doonaa meel aan hadhaw laga soo celin karin, ee waa in aanay Xukuumaddu doolarka soo gala aanay qaad ku bixin, oo DP World-na tidhaahda Shilinka Somaliland qaata, oo meesha ay doonaan ha la qabteene, waana in lacagtan xad dhaafka ah ee la soo dabaacayana la joojiyo,si lacagteenu qiimo u yeelato”.
Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda sannadkan ayaa yidhi“Miisaaniyadda mushkilad baa inaga haysta, wakhti baa loogu tagalay in la keeno, waxa la doonayaa waa odoros iyo in la soo dhigo odoros, oo la yidhaahdo Miisaaniyadda caynkaas ah ayaa loo baahan yahay, waana in wakhtigeeda lagu soo gudbiyaa, oo aanay dib u dhicin had iyo jeer, balse had iyo jeer dib u dhacaas Miisaniyaddu uu dhaca, haddii aanu nahay Golaha Wakiiladdana marka la soo dhigo sidii hore si ka wanaagsan oo ka duwan ayaanu u eegi doonaa, haddii ALLE idmo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.