Xildhibaano Kasoo Jeeda Beesha Hawiye Oo Ka Codasaday R/wasaare Khayre Soo Daynta C.shakuur iyo Khayre Oo Ku Gacan Saydhay

0
243

Somaliya (Tayosame news)  Guddi Xildhibaano iyo Senator isugu jira oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, kana koobnaa 11 Xildhibaan ayaa xalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyadoo dalab culus oo ay wateen in la sii daayo lagu diiday.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay dalbadeen in la siiyo daayo C/raxmaan C/shakuur, waxaana dood saacado qaadatay la sheegay in markii dambe la isku afgaran waayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur arrintiisa ay gacanta ku hayaan Hey’addaha Garsoorka, isla markaana baadhistau socoto, isagoo xusay in hey’adaha uu ku amray in si degdeg ah baadhitaankiisa loo soo gaba gabeeyo..

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa kulanka ka jeediyay in xaalada ay ka sii darayso hadii aan la soo deyn Siyaasiga, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku qanciyay in laga war sugo Hey’adaha sharciga.

Intaas kaddib Xildhibaano dhowr ah ayaa loo ogolaaday inay booqdaan Siyaasiga C.raxmaan C/shakuur oo ku xidhan xarunta NISA, waxaana ay sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ka dhalatay xadhigga C/raxmaan C/shakuur iyo eedeyntii Xildhibaanada ayaa xiisad siyaasadeed dhalisay, waxaa la filayaa in Guddoonka Golaha shacabka somaliya  uu soo fara geliyo, isla markaana uu war ka soo saaro, gaar ahaan arrinta eedeynta Xildhibaanada ay Xeer Ilaalintu ku soo oogtay dacwad qaran dumis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.