Xisbiyada KULMIYE iyo UCID Oo Eedo Kulkul Usoo Jeediyey WADDANI iyo Inuu Doorashada Dib U Dhigayo

0
585

Hargeisa (Tayosame News) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba kalsoonidii kala noqday komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda jooga, kadib markii ay ku qanci waayeen sida ay komishanku u maamuleen doorashadii madaxtooyada ee sannadkii hore dabayaaqadiisii dalka ka qabsontay.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u gudbiyeen warqad ay arrintaas ay ku cadaynayaan, waxaana uu sidoo kale sheegay inay madaxwaynaha ka codsadeen in la kala diro komishankan hadda jooga lana soo dhiso komishan cusub oo deg-deg ah, guddoomiye Cirro oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan halkan idiinku yeedhnay inaan idinku wargaliyo, inaan madaxwaynaha Somaliland u gudbinay qoraal aanu ku soo ururinay dhaliilaha doorashadii madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii November 2017 iyo gefafkii lagag galay xeerarka diiwaangalinta iyo doorashooyinka. waxaad ka warqabteen in xisbiga WADDANI bilawgiiba muujiyey sida aanu uga qanacsanayn doorashadii iyo natiijadii uu komishanku ka soo saarayba, balse uu xisbiga WADDANI ku liqay tudhaale uu u qabo dalkiisa iyo dadkiisa, qoraalkaas aanu gudbinay waxa xisbiga WADDANI ku muujiyey inaanu wax kalsooni ah oo uu doorasho dambe ku qabto komishanka doorashooyinku aanu ku qabin, waxaanu codsaday in komishanka la kala diro komishan cusubna si dhakhso ah loo dhiso, si doorashooyinkii inagu soo fool lahaa wakhtigoodii ugu qabsoomaan”

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku gacan saydhay go’aanka xisbiga WADDANI, waxaana uu ku sheegay mid aan wakhtigan suurtogal ahayn in la kala diro komishanka doorashooyinka iyadoo uu dhaw yahay wakhtigii loo asteeyey inay qabsoonto doorashada golaha deegaanka iyo wakiillada ee dalku.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in go’aanka xisbigga WADDANI uu sabab u noqonayo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan April sannadka 2019-ka.

Waxa uu sheegay in xilligan arrinkaasi sababayso dib u dhac doorashooyinka iyo khilaaf guddaha ah ” xubinta idinku jirta soo bedesha haddii aad saluugteen, laakiin Guddida inta kale way shaqaynaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo u jawaabaya guddoomiye Cirro.

Sidoo kale xisbiga KULMIYE ayaa arrintan ka hor yimi waxaanay ku sheegeen inaan la joogin wakhtigii komishan cusub la samayn lahaa maadaama kuwan hadda jooga teeramkoodii aanu dhammaan.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka hadlay go’aanka xisbiga WADDANI ayaa waxa uu yidhi:

“Teeram bay leeyihiin komishanka doorashooyinka oo la doortay oo 5 sannadood ah, shantaas sannadood markay u dhamaato ayaa ama loo jidiidinayaa ama la bedelayaa qaar kale la keenayaa, teeramkooda dhexdooda haddii ay khalad galaan laga saamixi maayo oo waa lagu qaadayaa, haddii ay khalad galeen oo khaladkii la hayo, tallaabo sharciga waafaqsan waa laga qaadi karayaa, haddii aan la haynin waxaan u arkaa inay gef ku tahay. Hala bedelo uun maahee eed baa ka horraysa in la eedeeyo illaa heer maxkamad baa u furan inay geeyaan oo ay ka ashkateeyaan”.

Jaamac Shabeel waxa uu sidoo kale ku eedeyey xisbiga WADDANI in go’aankani uu sababayo dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada “tallaabada uu xisbiga WADDANI qaaday way dhici kartaa inay sababto dib u dhac doorashada ah, waa inay ka fekeraan xisbiga WADDANI doorashooyinkana dib u dhaceedu waa uu inagu faro batay” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE oo xisbiga WADDANI ku eedaynaya inuu dib u dhigayo doorashada soo aaddan.

Ugu dambayn go’aanka ay saddex xisbi ka kala qaateen komishanka doorashooyinka ayaa muujinaya in xisbiga WADDANI uu wali kali ku yahay saaxadda mucaaridnimada isla markaana ay labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid uu wali ka dhexeeyo is faham siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.