Xisbiyada Mucaaradka Venezuela Oo Loo Diiday Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Wadankaasi

0
15

Venezuela (Tayosame news)   Madaxweynha dalka Venazuela, Nicolas Maduro, ayaa go’aansaday in xisbiyada ugu waawayn mucaaridka dalkaasi laga mamnuuco inay ka qeyb gallaan doorashada sannadka dambe..

Doorashada dowladaha hoose ayaa waxa horrey u qaadacay saddex xisbi oo ah kuwa mucaaradka,waxa ayna xisbiyadan doorashada ku tilmaameen howl loogu talagalay in lagu sii xoojiyo kali talisnimada mr Maduro .

Mr Maduro ayaa sheegay in xisbiyada ka qaybgalay codeyntii dhacday Axaddii oo kali ah loo ogolaan doono in ay u tartamaan xilka madaxwaynanimada.

Madaxwayne Nicolas Maduro ayaa sheegay in xisbiyada siyaasada qaar ka mid ah ay ka baxeen khariirada siyaasada dalkaasi.

Mr Maduro ayaa sheegay in mamnuucidani uu xisbiyada mucaaradka u maray xeerka ay dajiyeen golaha sharci dajinta dalkaasi.

Xisbiga Mr Maduro ayaa lagu wada in uu ku guulaysto doorashada lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo sanadka soo socda.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay waxaa dalka Venezuela ka taagnaa ismariwaa siyaasadeed oo horseeday in ay dalkaasi ay ka dhacaan dibad baxyo balaaran oo uu dhiig ku daatay.

Waxaa sidoo kale Venezuela xilligani ka taagan dhibaato dhaqaale oo saamaysa dadka ku nool dalkaasi.

Taageeryayasha madaxwayne Maduro ayaa waxa ay ku doodayaan in xisbigiisa uu saboolnimada ka dul qaaday dad badan ,halka dadka dhaliilaya ay ku eedeeyeen in uu si xun u maareeyay dhaqaalaha dalkaasi islamarkana uu la dagay dimuqraadiyada dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.