Xisbiyada Qaranka UCID iyo WADANI Oo Cambaareeyey Shaqaale Dhimista Xukumadda Muuse

0
77

Hargeisa (Tayosame news) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa ka digay in shaqo dhimis lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda, xilli ay soo baxayaan in la dhimay Shaqaale ka tirsanaa Madaxtooyada oo aan ku jirin nidaamka shaqo ee qaranka balse ku meelgaadh ahaa, halka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Qoysku ay iyana ka jawaabtay arintan oo ay sheegtay in aan la qofna shaqo laga eriyeen, balse loo marayo sifo sharciya.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni yidhi Meel kasta oo la joogo qofka Somaliland u dhashay wuxuu xaq u leenahay inuu shaqo helo, meel kasta oo ay masuuliyiinta Qaranku joogaana waa in sinaan iyo cadaalad ka sameeyaan ayaa wanaagsan, oo aan shaqaalaha loo eegin habayb, reernimo, qabiil, saaxibtinimo, yaa xisbi ahaa, ayaa olole soo galay, laakiin waxa haboon in loo eego, xuquuqdu uu muwaadinku leeyahay, oo ah inuu shaqo helo, isagana waxa xaq loogu leeyahay inuu shaqada qaranka uu waajibkiisa u guto, mar haddii Wasaaraddii Madaxtooyadu meesha ka baxday, Shaqaalihii Wasaaradda Madaxtooyadu meesha ma sii joogi karaan, ee waxaan soo jeedin lahaa Shaqalahaas yaan la eryin oo cidla lagu ridin, ee Wasaaraddaha kala ha lagu meelayo, oo ha laga geeyo”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “In maanta shaqaalaha la dhimaa waa dhibaato weyn, waxa la filaayey inay Xukuumaddani shaqo abuur sameeyso, laakiin laama filayn inay shaqaale dhimaan, laakiin haddii shaqaale la dhimo qorshe xumada Xisbiga Kulmiye ayey ku tusaysaa, haddii ay dhacdo in shaqale dhimis la sameeyo, ololihii Xisbiga Kulmiye ku jiray ee ahaa inay shaqo abuur sameeynayo iyo wax baanu hagaajinaynaa, waxba kama jiraan ayey noqonaysaa, oo kumaankii Dhalinyarada ahaa ee bilaa shaqada ahaa, in lagu daro kumaan kale oo Dhalinyaro ah oo la shaqo tiro,haddii ay dhacdo waa Siyaasad xumada Kulmiye, waana waxaanu ka digaynay, ee Xisbiga Waddani ka digaayey, Shaqaalaha oo la dhimo, Sicir bararka oo xadka ka baxa, xaalad adag oo dalka la galiyey, waxaas oo is barkana waa wax khatar ina galinayaa, Dhalinyaraduna inay tahriibaan ayey noqonaysaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.