Hargeisa (Tayosame news) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Xasan ayaa ku guul daraystay in uu dhamaystiro bixinta Musharooyinka shaqaalaha Dowladda.
Shaqaalaha dowladda ayaa todobaadkii ugu dambeeyay iska waraysanayay Musharkii oo aan la siin waxaana muddo ku simin todoba sanadood ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee shaqaalaha dowladda Somaliland musharkoodu ka maqnaado muddo intaa leeg,
Inkasta oo la siiyay wasaaraddo kooban, waxaan badnaa aan ilaa imika wax mushar ah qaadan shaqalaha dowladda intooda badan,
Shaqalaha ayaa markii hore loo sheegay in baanku xisaab xidh waddo balse markii dambe ku war helay in aan wali la sii dayn musharkoodii,
Geesta kale waxaa jira warar sheegaya in shaqalaha musharkooda bisha dambe laysku raacinayo.
Talaaabadan ayaa haddii uu ay sii socoto waxaa ay wiiqi kartaa kalsooni ay shaqaalahu ku qabaan Xukumadda Muuse Biix Cabdi.
Dhinaca kale waxaa uu Wasiirka wasaaradda Maaliyadu noqonayaa wasiirkii ugu horaysay ee Golaha Wakiiladda hor taga si loo ansixiyo isagoon bixin musharka shaqaalaha dowladda